2256 Views

Faah-faahin Weerarkii Isqarxinta ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Gen.Kaahiye

Faah-faahin Weerarkii Isqarxinta ahaa Ee Ka Dhacay Xarunta Gen.Kaahiye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Isqarxin ah oo uu fuliyay Nin soo xirtay Labiska Ciidamada Booliska islamarkaana ku dhex Qarxay Ciidamo ka tirsan Booliska  Soomaaliya oo Xilligaas ku sugnaa Maqaayad ku taalla Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska ee Gen. Kaahiye una diyaar garoobayay Dhoolatus ay ugu diyaar garoobayeen 20 December oo ku beegan Aas-aaska Ciidamada Booliska.

Inta la ogyahay Dhimashada waxaa lagu sheegay 20 Qof oo u badan Ciidamada Booliska,halka Dhaawacu uu ka badan yahay 25 kale.

Warar soo baxay Saacadihii hore ayaa sheegayay in Ninka isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa ee isku dhex Qarxiyay Ciidamada uu ka tirsanaa Booliska Soomaaliya,balse Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska oo KNN ay la Xiriirtay ayaa meesha ka saaray Wararka sheegaya in Ninka Isqarxiyay uu Ciidamada Booliska ka mid ahaa.

Dhaawacyada ayaa la sheegay in ay ku jiraan kuwo Xaaladdooda ay liidato,waxaana la geeyay Gobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaasha oo tagay Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa loo diiday in ay wax ka duubaan,waxaana lagu War geliyay in Goobta ay isaga baxaan.

Mas’uuliyiinta ka hadlay Qaraxa uu Fuliyay Ninka isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa waxaa kamida Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo sheegay inuu goobta tagay.

Yuusuf Garaad ayaa intaas ku daray hadalkiisa in 17 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ay Qaraxa ku dhinteen Dhaawacuna uu yahay 17 kale sida uu ku soo qoray Bartiisa Facebook.

Dhanka kale Tv-ga Al-jazeera ayaa baahiyay in Saddex Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska ay ku jiraan Ciidamada ku dhintay Weerarka Isqarxinta ah ee ka dhacay Xarunta Tababarka Booliska Ee Gen. Kaahiye.

Mas’uuliyadda Qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab,waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 27 Askari oo ay ku jiraan Saraakiil Sar sare sida ay hadalka u dhigeen.

Booliska Soomaaliya weli Faah-faahin kama bixin Weerarka Isqarxinta ah ee Saakay ka dhacay Iskuul Bulisiyo iyo sheegashada Al-shabaab ee ah in ay dileen 27 Askari.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment