2337 Views

Golaha Wasiirada Soomaaliland Oo Goor-dhaw Lagu dhawaaqayo

Golaha Wasiirada Soomaaliland Oo Goor-dhaw Lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 14 ,2017 —Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaabayo Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliland ayaa hada ka socota Madaxtooyada Soomaaliland halkaas oo ay goob joogyihiin Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Madaxda Soomaaliland.

Wariyiyaasha Soomaaliland ayaa goor-dhaw gaaray Xarunta Madaxtooyada waxayna soo sheegayaan in ay sugayaan ku dhawaaqista Golaha Cusub ee Wasiirada sida ay u sheegeyn Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliland.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo la doortay 32 cesho ka hor ayaa sheegay in uu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo ka tira yar dhamaan Xukumadihii Soomaaliland Islamarkaana leh Tayo iyo waayo aragnimo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay lagu caleema saaray Hargeysa, waxaana Xafladda Caleema saarkiisa ka qeyb galay Madax badan oo ka timid meelo kala Duwan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment