2595 Views

Shariif Xasan Oo Magacaabay Wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan Oo Magacaabay Wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15 ,2017 —Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo magacaabay Wasiirka arimaha Gudaha, Federaalka dib uheshiisiinta iyo Dowladdaha Hoose ee Koofur Galbeed.

Kulankii Golaha Wasiirada ee Khamiistii ayaa laga akhriyay War-Murtiyeedka ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kaa soo lagu magacaabay Wasiirka arimaha gudaha iyo Wasiiru dowlaha Maaliyada.

Madoobe Nuunoow Maxamed oo ah siyaasi aad looga yaqaano deegaanada Koofur Galbeed xilal kala duwanna ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray ayaa loo magacaabay Wasiirka arimaha gudaha, Federaalka, dib uheshiisiinta iyo Dowladdaha Hoose, Magacaabistiisa ayaa timid kadib markii la tashiyo lagala sameeyay Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa urajeeyay Mudane Madoobe Nuunoow uu Alle ufududeeyo howlaha horyaala Xafiiskiisa, uuna isbadal muuqdo ku keeno Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose.

Sidoo Kale Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa wasiiru dowlaha Maaliyada Koofur Galbeed umagacaabay Maxamed Cumar Seytuun oo ah ruux aan horay uga muuqan saaxada Siyaasada Koofur Galbeed.

Wasiirka cusub ee arimaha gudaha Koofur Galbeed ayaa badalaya C/raxmaan Sate oo mudo xilkaasi hayay balse dhawaan waayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment