2247 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Kobaca dhaqaalaha dalka, Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Kobaca dhaqaalaha dalka, Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo qodobo kale.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14 November 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, amniga guud ee dalka, geeddi socodka kobcinta dhaqaalaha, warbixin la xiriirta maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Jazeeradda Seychelles iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, gaar ahaan falkii argagixiso ee saakay ruux dhagar-qabe ah ka geystay xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye oo ku shahiideen 17 askari 15 kalana ay ku dhaawacmeen. Golaha ayaana ka tacsiyeeyey askartii halkaas ku shahiiday. Waxuuna sheegay Wasiirku in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgallada xasilinta dalka.

Wasiirka Gaashaadhigga ayaa laga dhagaystay warbixin kooban oo ku saabsan tirakoobka ciidanka XDS halka ay marayso iyo howlihii u qabsoomay, waxuuna sheegay in la dar-dar galiyey howlihii diyaargarowga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee badali lahaa kuwo AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale war-bixin ka dhagaystay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo ka hadlay halka ay marayaan howlihii la soo wareegidda Domain ama lahaanshaha DOT.SO oo hadda ku jira gacmo kale.

Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyey geeddi socodka koboca dhaqaalaha dalka iyo muhiimadda maareynta maaliyadda dalka oo xiligan ay dawladdu ku howlan tahay hagaajintooda meel wanaagsan oo caalamku ammaanayna maraya. Waxuuna tilmaamay in la kordhiyey aruurinta canshuuraha si meesha looga saaro musuq-maasuqa iyo gacmaha kale ee ku dhacayeen lacagaha ka soo xarooda canshuuraha dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey halka ay mareyso daabacadda lacagta shilinka Soomaaliga.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibedda ayaa ka war-bixiyay safaradii uu dibedda ku aaday waxuuna sheegay in dhamaantood ay guul ku soo dhamaadeen, isla-markaana cadeeyay in howlihii soo deynta maxaabiista ku xiran Jazeeradda Seychelles ay meel gabo-gabo ah maryso dhawaana la filayo in xoriyaddooda ay helaan. Dhanka kale safaradii uu u raacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wadamadii ay tageen ayuu sheegay in ay kala kulmeen soo dhowayn heer sare iyo iyo guulo.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay soo ceshatay xubinimadeeda Hay’adda Badaha Aduunka oo mudo 27 sano ay ka maqnayd Soomaaliya, iyadoo laga cafiyey daymihii hay’addu ku lahayd dalka.

Ugu danbeyn, Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay halka ay marayaan howshii dhismaha Gudiga dhaqaalaha qaranka oo xiligan maraya heer gabo-gabo ah dhawaana la soo bandhigi doono. Waxaa kaloo ay goluhu ka hadleen shuruucdii ay xukuumaddu balan qaaday in ay u soo gudbiso Baarlamaanka oo ahaa ilaa iyo 15 ayna gudbiyeen ilaa iyo 14 sharci iyo hal hindise dhowaana baarlamaanka la horgeyn doono inta aysan fasaxa galin.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment