2394 Views

Xuutiyiinta Iyo Iran Oo Iska Fogeeyey Eedeemaha Mareykanka Ee Gantaalo Carruuur Lagu dilay.

Xuutiyiinta Iyo Iran Oo Iska Fogeeyey Eedeemaha Mareykanka Ee Gantaalo Carruuur Lagu dilay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15 ,2017 —Dowladda Mareykanka ayaa Tiro Carruur ah oo lagu dilay Wadanka Yemen ku eedeysay in ay ka dambeeyaan Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ka dagaalama iyo Dowladda Iiraan oo lagu eedeeyey in ay Gantaalada wax dilay ay ku taageereen.

Labada dhinac ee eedda iska fogeeyey ayaa dusha kaga tuuray Gantaaladda bishii lasoo dhaafay lagu dilay Carruurta Xukuumadda Riyaad iyo isbaheysigeeda ee duqeymaha ka geysta Yemen.

Af-hayeen u hadlay Kooxda Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Cabdimalik Al-Cajri ayaa sheegay in eedeeha ay u jeedisay Nikki Haley oo ah Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobe ee aheyd in mas’uuliyadda Carruur lagu laayay Yemen in ay iyagu leeyihiin.

Waxa uu Mareykanka ugu baaqay in aysan iska indha tirin duqeymaha Sacuudiga uu ka geysanayo Wadanka Yemen, taasine ay tahay midda had iyo jeer waxyeeladu gaarsiiso Dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.

Mir Ali Reza Yousefi Dowladda Iiraan waxa uu u aqaabilsan yahay Talinta iyo Agaasinka guud ee Qaramada Midoobe waxa uuna fadhigiisu yahay Magaalada New York, waxa uu Mareykanka ka dalbaday in ay soo bandhigaan Caddeemo Muujinaya in Xukuumadda Tahran ay ku lug leedahay Carruurta Yemen lagu Xasuuqay.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa Dhaleeceenta loo jeedinayo Dowladiisa ku sheegay in looga Gol-leeyahay in lagu weeraro sidii Ciraaq loo weeraray sanadkii 2003-kii.

Kolkaas ayuu sheegay in La taliyahii Ammaanka Qaranka ee Maraykanka Colin Powell uu Xukuumadii Sadaam Xuseen ku eedeenaye in ay gashay dambiyo Aadanimo, waxa ayna Sahashay in Mareykanka iyo isbaheysigiisa ay weerar kula kala haan Dowladii Ciraaq.

Wakaaladda Wararka u faafisa Boqortooyada Sacuudiga ayaa Daabacday in aanan Xukuumadda Riyaad Marnba ka dambeyn Weeraradaasi la isku tuur-tuurayo Cidda ka dambeysa, waxayna Mas’uuliyiinta Sacuudiga sheegayaan in is xulufeysi ay wadaan Kooxda Xisbullaah ee ka dhisan Lubnaan, Kooxda Xuutiyiinta oo Yemen ka dagaalanta iyo Dowladda Iiraan oo lagu eedeynayo in ay Garab militari siineyso.

Xaaladda Yemen ayaa kasii darday kadib markii Kooxa Xuutiyiinta ay dileen Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo kamid ahaa Xubnihii kala shaqeeyey sidii Xuutiyiinta ay u qabsan lahaayeen Magaalooyin Dhowr ah oo Haatan Gacanta ugu jirta.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment