2217 Views

70 qof Oo Shacab ah Oo Lagu Dilay Yemen

70 qof Oo Shacab ah Oo Lagu Dilay Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16 ,2017 —In ka badan 70 qof oo Shacab  ah oo dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay duqeyn ay shalay dowladda Sucuudiga ay ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.

TV-ga Al-Masirah ee Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn ku dileen degmada Mawza ee galbeedka gobolka Ta’izz ku dhawaad 15 qof oo Shacab ah.

Warbaahinta iyo ilaha ammaanka ayaa sidoo kale kusoo warramay in Jimcaha in Weerar dhanka Cirka ah  ay ku nafwaayeen 28 qof oo ku noolaa xeebaha galbeed ee Yemen.

Suuq ku yaalla gobolka Sacda ayaa sidoo kale , waxaa ka dhacday Duqeyn , waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof.

Dhamman duqeymahaan waxa ay dhaceen maalintii shalay aheyd gelinkii dambe ee Jimcaha.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xoojisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana ay beegsanayaan goobaha dadweynaha.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment