4209 Views

Fanaan Qoomaal oo xabsi 15 bilood ah lagu xukumay

Fanaan Qoomaal oo xabsi 15 bilood ah lagu xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2017 –  Maxamed Axmed Qoomaal fanaanka Soomaaliyeed ee da’ada ah ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxa ay ku heshay dambi ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta ceyrta ah uuna sameeyay been abuur.

Qoomaal oo 72 sano jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39,000 isagoo jooga Soomaaliya kadib markii uu adkeysan waayay qabowga ka jira wadanka Ingiriiska, waxana uu u soo aaday dalkiisa inuu helo kuleylka cadceeda.

Sidoo kale Qoomaal ayaa lagu eedeeyay in uu ku sameeyay shaabad been abuur ah baasaboorkiisa Britishka ah si aan loo garan in uu ka maqnaa wadanka Ingiriiska.

Qoomaal ayaa qirtey dambiyada lagu soo oogay waxaana la sheegay in uu joogay dalka Ingiriiska muddo 15 sano ah balse waxa uu marwalba u baahnaa in uu helo qof u tarjuma xilligii maxkamadeynta.

Maxkamada ayaa dambi oogayaasha waxa ay u sheegeen inuu doonayay Qoomaal in meel kulul uu ku noolaado isagoo dib ugu soo laabtay UK markii uu maqlay in loo raadinayo in su’aalo la weydiiyo.

“Waxa uu ugaga dhoofay UK tikit furan mana soo laaban. Waxa uu siiyay furaha guriga uu si gaar ah ugu noolaa dad kale kuwaasoo degenaa intii uu ka maqnaa wadanka UK.”ayuu sii raaciyay xeer ilaaliyaha maxkamada.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment