3951 Views

Sawiro:-Wax Ka Baro Doorashooyinka Madaxtinimo Ee Afrika 2017

Sawiro:-Wax Ka Baro Doorashooyinka Madaxtinimo Ee Afrika 2017
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16 ,2017 —Qaaradda Afrika 2017 waxaa ay marti gelisay 6 doorasho madaxtnimo oo mid ka mid ah kala baxeeda la qabanayo 26ka Bishan December,waa dalka Liberia.

Dhamaan shanta doorasho ee kale ee ka dhacay Qaaradda Afrika waxaa la dhaariyay madaxweynayaasha ,inta  badan madaxweynayaashaas waxaa ay difaacdeen kuraastooda dib u doorasho ayeyna ku soo laabteen.

Halka madaxweyne ee ku guul darreystay in uu soo laabto waa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana kaga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dalalka ay doorashooyinka ka dhaceen waxaa ka mid ah Soomaaliya,Rwanda,Kenya,Angola iyo Liberia,waxaana midda Liberia Guddiga doorashada sheegeen in musharrixiinta labada xisbi ee ugu codadka batay ay dib u tartamaan 26ka Bishan.

ANGOLA

aaaaaaa1

Madaxweynihii hore ee Angola Eduardo dos Santos,ayaa xilka isaga degay kaddib markii looga guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas,hayeeshee Wasiirkiisii hore ee Gaashaandhigga , Joao Lourenco , oo ay isku xisbi yihiin ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Dalkaas.

SOMALIYA

qqqqwww222

Xildhibaanno gaaraya 329 Qof ayaa doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa ay ku doorteen Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo mar ra’isalwasaare ka soo noqday Soomaaliya,waxaana uu ka guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud oo afartii sano ee ka horreysay ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Tartan saddex wareeg ahaa waxaa ugu dambeyntii ku soo baxay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xildhibaannadii codka bixinayay u doorteen Madaxweynaha Soomaaliya.

Munaasibaddii Caleema saarka Farmaajo waxaa ka qeybgalay madaxda Waddamada  kala ah Kenya,Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda.

SOMALILAND-SOMALIYA.

sssssssssssss

Doorasho madaxtinimo ayaa ka dhacday Somaliland 13kii November 2017,waxaana xilka ka degay Axmed Maxamed Maxamuud SIilaanyo oo aan isagu tartameyn hayeeshee Xisbigiisa ayaa ku guuleystay doorashada,waxaana Madaxweynaha ka noqday Muuse Biixi Cabdi oo la dhaariyay 13kii December, 30 maalmood kaddib doorashada.

Somaliland inkasta oo aysan helin aqoonsi Caalami ah inta bandanna Dunida u taqaan Gobol ka mid ah Soomaaliya,haddana waxaa ka dhacay doorasho ka wanaagsan kuwo badan oo ka dhacay Qaaradda Afrika iyo caalamka intiisa kaleba.

RWANDA

xxxxxxxxxxxxxxx

Paul Kagame; ayaa ku guuleystay in dib loo doorto kaddib isbeddel uu Dastuurka dalkaas ku sameeyay 2015kii,kaas oo afti dadweyne ay ku oggolaadeen in Kagame loo oggolaado in dib loo doorto.

Muddada xil heyntiisa waxaa ay ka dhigeysaa 17 Sano oo uu ku darsaday xilli cusub,waxaana uu Madaxweynaha Rwanda noqday Sanadkii 2000,waxaa uu ku guuleysanayay doorashooyinkii Asxaabta badnaa ee tan iyo xilligaas ka dhacay Rwanda.

Hoggaamiyayaasha Mucaaridka ee la tartamayay ayaa waxaa ay kala ahaayeen  Frank Habineza iyo iPhilippe Mpayimana, waxaana doorashadii 4tii August ee Sanadkan dhacday lagu shaaciyay in Kagame ku guuleystay codad aad u badan,inaksta oo xubnaha mucaaridka ku shubasho ku eedeeyeen.

KENYA.

aaaaaaaaaaaaaaas

Doorashooyinkii 8ddii August ee dalka Kenya waxaa ay Guddiga doorashada shaaciyeen in uu ku guuleystay  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kursigiisa difaacday,laakiin 1dii September ayey Maxkamadda sare laashay natiijada doorashada,muran badan kaddib 26kii October ayaa dib loo qabtay doorasho uu Kenyatta kaligii tartamayay kaddib markii Isbaheysiga NASA musharraxoodii Raila Odinga ka baxay doorashada.

Mr Uhuru ayaa la dhaariyay 28kii November 2017,waxaana uu mar kale difaacday kursigii uu ku fadhiyay 5tii Sano ee la soo dhaafay.

Isha:Africa News

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment