2916 Views

Sawiro:- RW Khayre oo daahfuray shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed

Sawiro:- RW Khayre oo daahfuray shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 17, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo inta uu socdo diiradda lagu saari doono caqabadaha haysta dhalinta. Shirkan ayaa waxaa soo agaasimey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, waxaana ka soo qayb galay dhalinyaro Soomaaliyeed oo isaga kala yimid gobollada dalka, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dawladdani ay mudnaan gaar ah siisay dhalinyarada, laguna tilmaamo dawladdii shacabka. Isagoo xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo firfircoon oo diyaar u ah ka qeybqaadashada horumarka dalka ka jira.

“Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuur iyo wadaniyadda, sidaas darted waa inaad ka fekertaan wax idinka weyn, waa inaad hiigsataan sidii boqolka sano ee soo socda dhibka looga ilaalin lahaa dalka. Qof walba oo Soomaali ah maanta rajada uu leeyahay waa idinka”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo tilmaamay dalku inuu marayo waqtigii ugu rajada wanaagsanaayeen dhalinyaradana laga doonayo fursadahaa inay ka faa’iideystaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey sii deynta qeybtii labaad ee maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka Seychelles iyo Ethiopia oo kamid yahay Wariye Boqorka Bartamaha, isla markaana xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaalkeeda inta qof soomaali ah xiran yahay.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wakiillo ka socday bulshada Caalamka oo dhammaantood boggaadiyey dadaallada dawladda ee ku aadan siyaasadda qaran ee dhalinta Soomaaliyeed.

x1 x2 x3 x4 x7 x8 x10.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment