2499 Views

Sawiro:- Madaxda dowladda oo la kulmay madaxa UNHCR oo soo gaaray Magalad Muqdisho

Sawiro:- Madaxda dowladda oo la kulmay madaxa UNHCR oo soo gaaray Magalad Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 17, 2017 – Madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Filippo Grandi ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo socdaalkiisa ay salka ku heyso xal u helida arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Mr Grandi, iyagoo kala hadlay xaalada qaxootiga Soomaalida iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka uu soo hagaagayo, ayna dowladda Soomaaliya diyara u tahay wixii macquul ah ee sahlaya dib u soo celinta qaxootiga.

“Soomaaliya diyaar ayay u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida, waana u mahadceliyaa dawladihii martigeliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”ayuu yiri RW Khayre.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in wafdigan ay booqdaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

q1 q2 q3

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment