3177 Views

Xeer Ilaaliyaha oo dacwad Qaran Dumis ah ku soo oogay Labo Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

Xeer Ilaaliyaha oo dacwad Qaran Dumis ah ku soo oogay Labo Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2017 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dalbaday in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo horgeeyo sharciga.

“Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo qaran dumis, waa in xasaanada laga qaadaa, baaris dheer kaddib waxaa ku cadaatay dowlad dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Daawo shirka jaraa’id ee xeer Ilaaliyaha Qaranka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment