2844 Views

C/qaadir Cosoble oo kahadlay xariga Cabdirahman Cabdishakuur

C/qaadir Cosoble oo kahadlay xariga Cabdirahman Cabdishakuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay wixii xalay dhacay in aan la aqbali karin.

“In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta qaranka”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho ay tahay arrin qatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka.

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay ka gudubtay waqtigii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay sanadihi la so dhafay”ayuu yiri.

Ciidamada Ammaanka, gaar ahaa kuwa NISA ayaa xalay weeraray guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga u taxaabay, waxaana howl galkaas ku dhintay afar ka mid ah Ilaaladiisa.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment