3051 Views

Dhacdadii xalay oo sababtay in inta badan waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran

Dhacdadii xalay oo sababtay in inta badan waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 –  Sida ka muuqata qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada weyn ee Maka Almukaram oo saaka ay ka muuqato cidlo iyo ciidamo nabadgelyada oo aad ku arkeyso meelo badan oo ka mid ah wadooyinka laga soo galo wadad weyn ee Maka Almukarama.

Waxaa saaka xiran waddooyin dhowr ah oo halbowle u ah isu socodka magaalada Muqdisho, iyadoo saaka la soo dhoobay ciidamo fara badan oo gaadiidka dagaalka wata.

Sida ay sheegayaan wararka meelaha xiran ayaa waxaa ka mid ah isgoyska KM4 illaa Zoobe, Banaadir dhanka wadada aada Tarbuunka, iyo qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka laga celinayay meelaha qaar ee ciidamada ku sugnaayeen, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo lugeynaya.

Lama oga sababaha saaka loo xiray waddooyinka, waxaase ay ku sii aadeysaa, xilli xalay Ciidamada Nabadsugida ay weerar ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur, dabdeedna ay xabsiga u taxaabeen.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment