2427 Views

Gobolka Banaadir oo balanqaaday waxbarasho lacag la’aan ah

Gobolka Banaadir oo balanqaaday waxbarasho lacag la’aan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 – Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Benaadir ayaa iska kaashanaya mashruucan loogu talagalay in lagu dhiso iskuulaad ay lacag la’aan wax uga bartaan dan yarta ku dhaqan gobolka Benaadir.

Dadka ku nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir oo hela waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaarsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare waa mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Benaadir uu ku howlan yahay.

Maamulka Gobolka Benaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho.

g-benadir-unhcr-2

 “Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruuca waa in dayactirka shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loo hor mariyo nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro.

Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho.

Ka sokoow faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment