3546 Views

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay saraakiisha Ciidan Xoogga Dalka

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay saraakiisha Ciidan Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdiso | QOL | December 17, 2017 – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa la kulansan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo kala hadlaya xaalado kala duwan oo ku saabsan arrimaha ciidamada.

Ammaanka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka qaar ee magaalada.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku soo aaday, maalmo kaddib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu joojiyay gargaarkii uu siin jiray Ciidamada, kaddib musuq maasuq hareeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo bil ka hor uu tagay xaruntaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday qorshe isla xisaabtan iyo dib u habeyn ku saabsan ciidamada, kaddib markii ay soo baxday in la musuq maasuqay  gargaarkii la siin jiray ciidamada.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment