2733 Views

Wasiirka Dastuurka Oo Ka Qaadacay Wasiirka Amniga

Wasiirka Dastuurka Oo Ka Qaadacay  Wasiirka Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 18, 2017 –Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hor-yimid amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaasoo ahaa in aanay cidna shir qabsan karin, iyadoo aanay fasax ka heysan Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Xoosh ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inay qalad aheyd amarkaas, isla markaana ka hor imaaneysa Dastuurka

“Waxaan hadda daawaday shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow oo uu ku yiri Cidna shir gaar ah ma qabsan karto, iyadoo aysan fasax ka heysan dowladda, hagaag, taasi waa qalad, Dastuurka ayaa u ogolaanaya Xoriyadda ah in cid walba ay qabsan karto shirar iyo isu imaadyo”ayuu yiri Wasiir Xoosh oo intaa ku daray in qodobka 16aad iyo 20aad ee Dastuurka u ogolaanayo.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah sharci yaqaan ayaa dhowr jeer oo hore dood sharciyeed ka keenay hadalada ka soo yeeray Mas’uuliyiinta dowladda, waana arrin uu mar kasta ku khilaafo mas’uuliyiinta dowladda mar alla marka dhanka sharciyada la baal maro.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay soo saarayay amaro is daba joog ah oo u muuqda mid lagu hakinayo shirarka siyaasadeed ee ka dhan ah dowladda, iyadoo xalay Ciidamada Ammaanka ay weerar ku qaadeen hoyga uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, oo xabsiga loo taxaabay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment