1932 Views

Baarlamaanka Uganda Oo Lagu Wadaa in Maanta uu Cod u qaaddo in Meesha Laga saaro Xadidaadda da’da madaxweynaha.

Baarlamaanka Uganda Oo Lagu Wadaa in Maanta uu Cod u qaaddo in Meesha Laga saaro Xadidaadda da’da madaxweynaha.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 –Baarlamaanka Uganda ayaa lagu wadaa in maanta uu cod u qaaddo in meesha laga saaro xadidaadda da’da madaxweynaha.

Dhanka kale xildhibaannada dalkaasi ayaa isku mari la’ in isbedel dastuurka lagu sameeyo si loo kordhiyo muddo xileedka xubnaha baarlamaanka.

Dadka dhaliilsan in meesha laga saaro xadidaadda da’da ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaasi Yower Museveni uu doonayo inaanu weligii xilka baneyn.

Codeynta maanta ayaa kusoo beegmaysa ayadoo xildhibaannada mucaaradka ah ee Uganda ay sheegeen in shalay ay dhismaha baarlamaanka ku sugnaayeen askar ka tirsan milateriga dalkaasi, taasina ay ku dhalisay walaac dhanka ammaanka ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Rebecca Kadaga, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaasi.

Xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha isbedelka loogu samaynayo dastuurka ay ku doonayaan in madaxweyne Yoweri Museveni uu u tartamo doorashada Uganda ka dhici doonta 2021-ka.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale maantau codeyn doona in la kordhiyo mudada ay xilka hayaan, oo laga dhigo todoba sano halka ay hadda ka tahay shan sano.

Balse dadka dhaliilsan qorshahaasi ayaa sheegaya inuu muujinayo xukun jaceylka xisbiga talada haya iyo cabsida uu ka qabo doorashooyinka, sidoo kalena lagu abaalmarinayo mudanayaasha taageersan meesha ka saaridda da’da madaxweynaha.

Balse xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in muddo kordhinta ay xildhibaannada u sahlayso inay waqti wanaagsan u helaan hormarinta deegaannadooda.

 

Xigasho;BBC.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment