2907 Views

D.Somaliya Oo sheegtay in 30% Ciidankeeda Aysan Hub heysan

D.Somaliya Oo sheegtay in 30% Ciidankeeda Aysan Hub heysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 —Warbixin ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay sahan ay isugu diyaarineyso howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ayey ku ogaatay in Ciidamada Dowladda u diiwaangashay aysan 30% Hub heysan sidoo kalena kuwa kale aysan heysan Hub waaweyn oo ku filan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa sheegay in sahanka ay dowladdu fulisay uu amray ra’isalwasaaraha Soomaaliya islamarkaana la isugu diyaarinayo howlgal wadajir ah oo ay Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadaan Al-shabaab.

Wasiirku waxaa uu sheegay in tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya u diiwaangeshay ay gaarayaan 26,000 (Lix iyo labaatan kun) oo Askari,kuwaas oo isugu jira kuwo diyaar ah,howlgal,kuwo lixaadkoodu dhimanyahay iyo Agoon.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in sahanka wajigiisa 1aad la soo gaba gabeeyay islamarkaana wajiga 2aad ay ku soo bandhigayaan tirada saxda ah ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ee diyaarka u ah howlgalka.

Wareysi uu siiyay VOA,ayuu Wasiirku ku sheegay in waxbadan ay Ciidamada Dowladda ka dhimanyihiin islamarkaana dowladda ay hadda ku jirto diyaarinta buuxinta meelaha ka banaan dowladda hadda jirta.

Tan iyo Bishii September Al-shabaab waxaa ay weerareen 4 Saldhig Ciidan oo ay qabsadeen,waxaana ku dhintay Askar ka badan 60,kaddib ayey dowladda billowday sahankan,waxaana ay ku ogaatay in guutooyinka qaar ee Saldhigayadaas degganaa qeyb ka mid ah aysan hub heysan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment