4035 Views

Qaar Ka Mid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay xiran.

Qaar Ka Mid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay xiran.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 —Maanta oo Arbaca ah ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya Waxaa ay xireen Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada muqdisho,xili Magaalada lagu qabanayo Xuska 74 sano guuradii ka soo wareegatay Markii la Asaasay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu arkayaa Wadooyinka Maka al-mukarama,Sodonka ,wadnaha iyo sidoo kale wadooyinka soo gala goobta ay  ka dhaceyso munaasabada oo ah xarunta Gen. Kaahiye, kuwaasi oo aad u feejigan, watana gaadiidka dagaalka,sida uu soo sheegayo Wariyaheena Nuurandiin Maxamad Axmed

Saraakiisha Amaanka oo la hadlay Shabakada Qaranimo  ayaa Sheegay in maanta aad loo adkeynayo Amaanka Magaalada Muqdisho,Maadaama lagu qabanayo Munaasabada xuska 74 sano guuradii ka soo wareegatay Markii la Asaasay Ciidamada booliska Soomaaliya.

Sanad Walba marka la gaaro 20 bisha December ayaa Magaalada muqdisho iyo gobalada dalka ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo 74 Sano guuradii ka soo wareegatay Markii la Asaasay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment