2976 Views

Al-Shabaab Oo Gaadiid Kula Wareegay Dagaal ka Dhacay Degmada Afgooye.

Al-Shabaab Oo Gaadiid Kula Wareegay Dagaal ka Dhacay Degmada Afgooye.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 –Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeyn Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ee Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Tixsiile ee duleedka degmada Afgooye waxaana la sheegay in ay ku dhintayn ugu yaraan 3 ka mid ah Ciidamada DANAB ee ku Howlgala Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dagaalkaasi ku qabsaday ilaa 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada oo ay saarnaayeen hubka culus, sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qabsadeyn qalab kale oo dagaal sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Mas’uuliyiinta gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii wadada loo galay Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee DANAB waxaana la sheegay in waqti kooban uu socday dagaalka.

Waa markii 3aad oo ay Al-Shabaab weerar ku qaadan degmadaasi, Labo weerar oo is xig xigtay ayaa Labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye waxaana soo kordhaya weerarada Al-Shabaab ee degmadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan saraakiisha amaanka iyo maamulka gobalka ayaa sheegay inay arkayaan culeeska soo food saaray balse ay dejin doonaan qorshe wax looga qabanayo dhibaatada heysata degmada Afgooye ee G/Shabeelaha Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment