2559 Views

C/raxmaan C/shakuur oo goor dhow laga sii daayay xabsiga

C/raxmaan C/shakuur oo goor dhow laga sii daayay xabsiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 – Waxaa goor dhow la sii daayay xabsiga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo habeenkii axada aheyd ay ciidamada ammaanka xabsiga u taxaabeen, kaddib markii weerar dhiig ku daatay ay ku qaadeen gurigiisa.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo ahaa damiin ayaa waxaa saxiixay Madaxda Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Gobolka Banaadir Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha GalmuWasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

CCshakuu-sii-dayn-2

Shuruudaha heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inuusan dalka ka bixi karin, inuu saxaafada la hadli karin iyo in uusan shir qaban karin, inta ay socoto kiiska dacwadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in loo balamay in maalinta berri Maxkamad la aado, waxaana qaabka sii deyntiisa tahay qaab damiin ah

Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in la la sii daayay C/raxmaan C/shakuur

“Ugu danbeyn Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxey, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo, Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa xilligan ku sugan Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

C/raxmaan C/shakuur ayaa isagoo gacanta midig ka duubneyd laga soo qaaday sawiro, isagoo dhoola cadeynayay, qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu ku sheegay in “Caddaalada ay waareyso Caddaalad darada ay fashilmeyso”

CCshakuu-sii-dayn-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment