2211 Views

Maxkamadda G/Banaadir Oo ku Dhawaaqday in Dambi lagu Waayay C/raxmaan C/Shakuur.

Maxkamadda G/Banaadir Oo ku Dhawaaqday in Dambi lagu Waayay C/raxmaan C/Shakuur.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ku horkeeni weyday caddeymo rasmi ah muddo 24 saac loo siiyay, waxaana ay ku guuldareystay dalabka ah in muddo 5 cisho la siiyo, si ay baaritaanka u sii dhameystirto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in aan ogolaansho Maxkamadeed lagu soo xirin C/raxmaan C/shakuur, isla markaana xarigiisa ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn.

“Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id qabto, oo uu uga hadlayo xariggii loo geystay iyo weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment