2298 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka hadlay Tira-Koobka Ciidamada Booliska

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka hadlay Tira-Koobka Ciidamada Booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay Aas-aaska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inn Xukumaddu ay soo gaba gabeysay Tirakoob lagu sameeyay Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana uu xusay in Ujeedku uu ahaa in la ogaado Tirada Ciidamada Booliska,kuwa Shaqeeya iyo kuwa Howlgabka ah intaba.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska oo Baaritaanka gacan weyn ka geystay,wuxuuna Xusay in ay hadda wadaan Dib u dhiska Ciidamada Qalbka sida si ammaanka Dalka ay ugala Wareegaan Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashood ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment