2277 Views

Wasiirka Amniga Oo Raalli Gelin Ka Bixiyay Dhacdadii C/raxmaan C/shakuur

Wasiirka Amniga Oo Raalli Gelin Ka Bixiyay Dhacdadii C/raxmaan C/shakuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 – Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay falkii habeenkii Axadii lagu weeraray guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Wasiir Ducaale oo ka hadlayay Gogol ay dhigeen Duubabka dhaqanka oo loo geeyay markii la sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa ka sheegay in wixii dhacay ay raalli gelin ka bixinayaan.

“Naga raali ahaada, wiilashiina oo wax ku dheelay ayaan nahay, raalli gelin ayaan bixineynaa,Waxaan leeyahay Walaalkeen C/raxmaan wixii gaaray alle haka caafiyo, wixii kalena fadhi kale iyo gadaal ayaa looga hadlayaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ee Facebook ayaa muujinayay raalli gelinta uu bixiyay wasiirka, inkastoo aanay dowladdu war rasmi ah ka soo saarin arrintan oo xalay loo maray xeer jajab iyo xal mastuur oo ka dhashay dadaalo ay wadeen Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo Madaxda maamul goboleedyada qaar.

Si kastaba ha ahaatee Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay go’aan ka soo saarto kiiska C/raxmaan C/shakuur oo Xeer Ilaalinta ku soo eedeysay inuu fal dambiyeed qiyaano qaran iyo qaran dumis.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment