2169 Views

Xeer-ilaalinta Soomaaliya Oo Ka soo Hor jeestay go’aankii Maxkamadda Ee C/raxmaan C/shakuur.

Xeer-ilaalinta Soomaaliya Oo Ka soo Hor jeestay go’aankii Maxkamadda Ee C/raxmaan C/shakuur.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 21, 2017 –Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo warbaahinta goor-dhaw la hdlay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku siideysay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay soo qabtay Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwad oogayaasha ay Racfaan qaateen islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen hassa-yeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay taasna aysan aqbali doonin.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay in ay keento caddeyn ku filan dacwadda Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaana ay fasaxday siyaasiga iyada oo go’aankeeda raacisay in uusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka.

Waayo cusub oo siyaasadeed ayaa ka bilaawday magaalada Muqdisho waxaana hada la dhowrayaa in ay Dacwad furtaan Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame iyo Taageerayaashiisa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment