2118 Views

Xildhibaano Sheegay in Mooshin Xil ka Qaadis ah ay ka Wadaan Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaano Sheegay in Mooshin Xil ka Qaadis ah ay ka Wadaan Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 20, 2017 – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee routers xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wada mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wakaaladda oo soo xiganeysa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay xildhibaanada ku eedeeyeen ku xad gudubtay Dastuurka KMG ah, Qiyaano qaran iyo Bur Burinta maamul Gobaleedyada.

Xildhaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa u sheegay in Wakaaladda Wararka  ee routers in 96 xildhibaan ay gudoonkooda ay weydiisteen in Kal-fadhiga dib loo furo si ay u gubiyaan mooshin-ka ay ka wadaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Routers ayaa sidoo kale baahisay in arintaan ay ka dambeysay kadib markii ay xasarado siyaasadeed ka dhasheen khilaaf soo kala dhax-galay beelaha daga Gobalka Banaadir iyo hogaanka sare ee Dowladda Soomaaliya.

Qoraalka ay daabacday Wakaaladda ayaa ku soo aaday xilli ay Dhawaan  xildhibaano ka  tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ay sheegeen in ay ka laabtayn mooshin ay ka qareen Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jahwareer siyaasadeed wali ka taagan tahay Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment