4320 Views

Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland oo Fariin adag u Diray Shirkadaha Heshiiska Kula jira Somaliland.

Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland oo Fariin adag u Diray Shirkadaha Heshiiska Kula jira Somaliland.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 –Saciid Saleebaan Miri Hanti dhawraha  guud ee Maamulka Soomaaliland oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu digniin adag uu u diray  Shirkado la sheegay in Heshiisyo ay la galeen Xukuumadii Madaxweynihii hore Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Hanti dhowraha  ayaa waxaa uu Sheegay in Heshiiskaasi horey loo galay aysan aheyn kuwa sax ah,islamarkaana waxaa uu Ugu baaqay wasiiradii siilaanyo in cadeeymo rasmi ah ay keeneen oo ku aadan heshiisyadaasi,si buu yiri looga hortago musuq-maasuqa.

Sidoo kale Hanti dhawraha Qaranka Somaliland ayaa fariin adag u direy dhamaan shirkadaha heshiiska kula jira maamulka Somaliland.

Wasiiradii hore ee Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo ayaa waxaa lagu eedeeyay inay musuq maasuq baahsan ay geysteen,islamarkaana cidkasto oo ku cadaato tilaabo adag laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay Hanti dhawraha qaranka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment