2553 Views

Hay’ada Amnesty International Oo Sheegtay In Qaxooti Soomaaliyeed ay Markale Dib ugu Laabteen Xeryaha kenya.

Hay’ada Amnesty International Oo Sheegtay In Qaxooti Soomaaliyeed ay Markale Dib ugu Laabteen Xeryaha kenya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 –Sar ka tirsan hey’ada  xuquuda aadanaha ee Amnesty international oo la hadlay BBC ayaa  sheegay in qaxooti badan oo ka soo baxay dhadhaab ay wadada ku qabsatay xaalada nolol xumo oo ay amni daro usii dheertahay,isagoona intaasi ku daray in dadkii dalka dib ugu laabtay ay  ku qasabtay  in ay qaarkood dib ugu soo laabtaan  xeryihii ay deganaayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaxootiga soomaaliyeed ay ka cabanayaan dhibooyin uu sheegay in ciidamada ay ay u geysteen muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool wadanka kenya,taasi uu sheegay in xiligan aan loo baahneen in ciidamada ay ku kacaan sida uu hadalka u dhigay.

Hayeeshee Bishii may ee 2016 ayay dowlada Kenya ku dhawaaqday in ay irdaha  isugu dhufanayso  xerada dhadhaab oo qiyaastii ku nool yihiin 240,000 oo qof sababo la xeriira Amaanka iyo in aysan Caalamku ka helin kaalmo ku filan dadkaas.

Sanadkii tagay ayaa dowladaha Kenya iyo Somalia ku heshiiyay  in dib loogu soo celiyo Somalia qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaala wadanka kenya,taasi sabab u aheyd in qaxootiga  ay la soo darsadeen caqabado fara badan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment