2625 Views

Waqtiga Soomaaliya La Soo Wareegeyso Maamulka Hawada Oo La Shaaciyay

Waqtiga Soomaaliya La Soo Wareegeyso Maamulka Hawada Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 23, 2017Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaalkii u dambeeyay waday qorshaha ay kula soo wareegeyso Maamulka Hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in labo todobaad kaddib la soo wareejin doono Hawada Soomaaliya, oo tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe sanadkii 1991 ay gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.

“Labo todobaad kaddib ayaa rajeynayaa in la soo wareejin doono maamulka Hawada Soomaaliya, 27-ka bishan ayaa rajeynayaa in xaflad weyn oo lagu soo bandhigayo qalabka cusub ee lagu koontarooli doono Maamulka Hawada.

Wasiirka oo xilligan ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in tallaabada lagu soo wareejin doono maamulka hawada ay noqon doonto horumar weyn oo ay dowladdu gaartay.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaalo xooggan ugu jiray soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo xilligan laga maamulo dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment