2682 Views

Tahriibiyaal Somali ah Oo Laga Qaaday Liibiya Lana Geeyay Italy

Tahriibiyaal Somali ah Oo Laga Qaaday Liibiya Lana Geeyay Italy
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa qaxooti ka mid ah kuwa Afrika ka qaadday Dalka Liibiya waxaana la geeyay Dalka Talyaaniga.

162 Qof oo ay ka mid yihiin Soomaali ayaa laga qaaday Liibiya waxaana laga dejiyay dalka Talyaaniga iyaga oo qaarkood ahaa carruun aan waalid la socon.

Dadkan Tahriibayaasha ah ee laga qaaday Dalka Liibiya waxaa ay u kala dhasheen Waddamadan Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Yemen.

Waxaa ay ka koobanyihiin Rag,Haween,Carruur iyo shaqsiyaad qof qof u socday sidoo kale waxaa ku jira Qoysas is wata,kuwaas oo nasiib u yeeshay in ay tagaan Dalka Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Vincent Cochetel, ayaa sheegtay in iyaga oo taageero ka helaya Dowladaha Taliyaaniga iyo Liibiya ay ku guuleysteen in safarkii ugu horreeyay oo Tahriibayaal looga qaadayo Liibiya lana geynayo Talyaaniga ay ku dhaqaaqeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment