2874 Views

Maamulka Gobelka Benaadir oo codsaneysa in ammaankeeda lagu soo Wareejiyo

Maamulka Gobelka Benaadir oo codsaneysa in ammaankeeda lagu soo Wareejiyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 25, 2017 –  Guddoomiyaha gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in ciidamada ammaanka ee gobolka Benaadir si toos ah loo hoos keeno maamulka gobolka si wax looga qabto ammaanka caasimadda.

Xeer lambar Laba ee soo baxay sanadkii 1963 ayaa amraya in hay’adaha amaniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka gobolka.

Guddoomiye Thaabit oo munaasabadda 74guurada aasaaska ciidanka booliska ka hadlayay ayaa mar kale ku celiyay baahida loo qabo in maamulka gobolka Benaadir iyo ammaankiisa la is waafajiyo si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo dhanka ammaanka ah, loogana faa’ideysto heellanaanta Muqdishaawiyiinta ee la shaqeeynta ciidamada ammaanka.

“Waxaan daadejiinnay awoodda maamul ee dhammaan qeybaha gobolka Benaadir, taas waxaad ka arkeysaan horumarka aan dhan walba ka sameynay. Waxaan rumeysannahay haddii awoodda amniga sidaas oo kale loo daadejiyo in aan horumar la taaban karo ka sameyneyno waliba muddo kooban” ayuu yiri guddoomiye Thaabit.

Thaabit Cabdi ayaa dhowaan soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda” oo isku xiraya hay’adaha ammaanka iyo shacabka reer Muqdisho, kaas oo ka soo billaabanaya tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo kaas oo booliska iyo nabad sugidda u suurtagelinayo in ay xog ka helaan shacabka.

Maamulka gobolka ayaa xilligan u diyaar garoobay la wareegidda amaankiisa, si loo baajiyo falalka ammaan darrada ah ee Muqdisho ka dhaca. “Ma aha in aan maalin walba daawnno dhibaatooyinka dadka reer Muqdisho ku dhaca oo cadowgu geeysanayo, waxaan la nimin qorshe cad oo isla xisaabtan leh oo aan ammaanka muwaadiniinta ku ilaalineyno, waxaan codsaneynaa in nalaku tix geliyo”. Ayuu Thaabit yiri.

Ciidamada booliska gobolka Benaadir iyo kuwa Nabad sugidda ayaa iminka hoos yimaada talisyadooda dhexe, taas oo meesha ka saartay xiriir, wada shaqeyn iyo isla xisaabtan dhex mara mas’uuliyiinta gobolka maamula.

benadir-codsi-amaanka-5 benadir-codsi-amaanka-4 benadir-codsi-amaanka-3 benadir-codsi-amaanka-2 benadir-codsi-amaanka-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment