1989 Views

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Yeelanaya Kulan Aan Caadi ahayn

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Yeelanaya Kulan Aan Caadi ahayn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 26, 2017 –Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in kulan aan caadi ahayn ay ku yeeshaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale Ciidamada Hirshabelle, ayaa adkeeyay amniga Magaalada Jowhar, iyadoo loo diyaariyay inay ka hortaggan falalka liddiga ku ah nabadgelyada.

Inta badan Xildhibaanada Hirsabelle oo saluug ka muujiyay magacaabista Golaha Wasiirada, ayaa waxaa la leeyahay waxbaa iska bedelay mowqifkoodii hore.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dib ugu laabtay Jowhar dhawaan waxaana la filayaa in Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Waare ay cod u qaadaan Xildhibaannada.

Mr Waare ayaa waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday in xukuumaddiisa ay u qabtaan lix bilood wixii ka dambeeyana lala xisaabtamo.

Xildhibaannada ayaa markii hore gadood ka muujiyay Golaha wasiirrada ee ay iska dhex waayeen waxaana qaarkood ay ku hanjabayeen in aysan kalsoonida siineyn.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment