2265 Views

Kulamo Looga Hadlayo Doorashada 2020-ka Oo ka Furmay Kismaayo

Kulamo Looga Hadlayo Doorashada 2020-ka Oo ka Furmay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 26, 2017 – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka furay Kulan wadatashi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka kaas oo looga hadlayo Doorashada lagu wado Soomaaliya inay ka dhacdo 2020.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, iyo Siyaasiyiin waxaana lagu gorfeynayaa qorshaha lagu wajahayo Doorashada qof iyo cod iyo sida Bulshada uga qeyb qaadan karto.

Sidoo kale Masuuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmaya Bulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.

Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Dhinaca kale Magaalada Doolow waxaa ka furmay kulan wada tashi ah oo isna sidoo kale looga hadlayo sida loo wajahayo Doorashada.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in lasoo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wadatashiyo arrintaasi ku saabsan.

 

rrrrrrrrrrr oooooooo

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment