2286 Views

Sawiro:-R.W Ku Xigeenka oo Daahfuray Wajiga 2-aad Ee Isla Xisaabtanka XFS

Sawiro:-R.W Ku Xigeenka oo Daahfuray Wajiga 2-aad Ee Isla Xisaabtanka XFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 26, 2017 –Waxaa dib u furmay wajigii labaad shirkii looga hadlayay Isla Xisaabtanka Xukuumada, waxaana shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Fedraalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader).

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka qaar ka mid ah Wasaaradaha xukuumadda iyagoo lagu waydiiyay su’aalo ku saabsan waxqabadkooda mudadii ay xukuumadda jirtay iyo wixii u qabsoomay.

Wasiiradii ka soo qayb galay ayaa waxay ka warbixiyeen waxqabadkooda iyagoo ku soo bandhigay hab qoraal ah, waxay kaloo ka warbixiyeen hiigsigooda bilaha soo socda iyo siday ugu diyaargaroobeen, sidoo kale waxay soo bandhigeen caqabadaha hor taagan wasaaradahooda iyo sida lagu xalin karo.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Xukuumada ayaa waydiiyay.

  • Su’aalo ku saabsan 100 ka maalmood ee soo socda,
  • Xiriirada kala dhaxeeyo Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa dowliga ah, ee ay xukuumadda ay saaxiibka la tahay.
  • Xooginta xiriirka Dowlad Goboleedyada
  • Dhamaystirka hindiso sharciyeedyada
  • Dhamaystirka qaab dhismeedyada Wasaaradaha
  • Dhisida hay’adaha qiimaynta iyo kormeerka (M&E) iyo xisaabtanka
  • Shaqo u abuurinta dhalinyarada iyo fursad siintooda

Ugu danbayntii xubnihii golaha xukuumadda ee ka soo qayb galay shirkan ayaa soo bandhigay wax-qabadkooda 100 ka maalmood ee soo socda waxayna  rajo fiican ka muujiyeen in wasaaradahooda ay ku tilaabsan doonaan horumarada laga filaayo iyo doorka wax-qabaneed ee ay shacabka Somaaliyeed ay ka filaayaan.

a1 a2 a3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment