2940 Views

Qoys Soomaaliyeed Oo Qaxooti ku ah UK Oo 15 sano ku Degenaa £90 Guri lagu Qiimeeyay £900 toddobaadkii

Qoys Soomaaliyeed Oo Qaxooti ku ah UK Oo 15 sano ku Degenaa £90 Guri lagu Qiimeeyay £900 toddobaadkii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 –Guri ku yaal magaalada London oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa £2.2million ayaa qoys Soomaali ah oo qaxooti ku ah dalka Uk waxa ay ku degenaayeen toddobaadkiiba lacag gaareysa  £90 halka guriga lagu qiimeeyay inuu u qalmo £900 toddobaadkiiba.

Dhismahan oo leh afar  qol oo jiif ah ayaa qoyskan Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal ruux aabe iyo hooyo iyo toddobo carruur ah oo ay dhaleen.

Muriidi Abati oo ah aabaha reerka ayaa la sheegay inuu yahay 57 sano jir halka xaasiisa Maryan ay tahay 43jir,waxaana dhismahan kula nool 7 carruur ah oo ay dhaleen kuwaasoo da’adoodu u dhexeyso siddeed sano jir illaa iyo 23 sano jir.

Hase yeeshee lama oga in qoyskan ay qaladka lahaayeen iyo in maamulka degmada uu lahaa qaladka ay qoyskan ku bixin jireen kirada guriga lacag ka yar inta lagu qiimeeyay.

Maryan oo ah hooyada qoyska degen guriga ayaa u sheegtay wargeyska The Sun inay leeyihiin nasiib ayna ka mahadcelinayaan in ay ku nool yihiin dhismahan ballaaran iyadoo dad badana ay guryo la’aan hayso.

Degmada uu ku yaal gurigan ayaa waxaa ku nool illaa 215,500 oo ruux hase yeeshee sanadkii la soo dhaafay iyadoo qorshuhu ahaa in guryo la siiyo dad gaaraya 18,000 qoys ayaa waxaa loo helay qoysas gaaraya 1,250 qoys

VVVVB VVVVC VVVVVC  YYYYYYYY

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment