2352 Views

Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay hadal ka soo baxay Kooxaha Xuutiyiinta Yemen.

Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay hadal ka soo baxay Kooxaha Xuutiyiinta Yemen.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 –Kadib markii  war la sheegay in uu kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo ku aadan in ay gantaallo ku garaaci doonto Magaalada Hargeysa ayaa arinta waxaa si kulul ugu hadlay maamulka Soomaaliland.

Sacad Cali Shire  Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland oo la hadlky Saxaafada ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo gaaray Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen,kasi oo ku aadan inay Kooxdaasi ay weerar ka fulin doonaan magaalada hargeysa.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedaan saldhigga Imaaraadka carbta ay ka dhiseyso  Magaalada Berbera ee Somaliland.

Dhawaan ayay aheyd markii Muuqaal  lagu baahiyay Baraha Bulshadda,kaasi oo ku saabsan in rag cadaan  ah oo la sheegay in ay yihiin Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen oo sheegaya inay weeraro ka fulin doonan Magaalada hargeysa ee Maamulka Soomaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment