2898 Views

Wasiirka Howlaha GuudI iyo Dib u dhiska Oo Ka Qeyb Galay Shir Ka Dhacay Morocco

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 –Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib u  Dhiska  iyo Guryeynta Dowladda Fedreaalka Soomaaliya Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ka qeyb galay shir Sanadeedka Wasiirada Guryeynta & Dib u Dhiska Wadamada Carabta Fadhigiisii 34aad oo ka dhacay magaalada Rabat ee dalka Morocco.

Shirkan oo looga hadlayay arrimo ku saabsan fulinta qorshaha Horumarinta deegaameynta dalalka Mandiqada Carabta ee Mustaqbalka dhow.

Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda Soomaaliya ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu uga hadlayay dadaalka dowladda ugu jirto horumarinta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya Eng. Saadaq waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshey dhigiisa Dalalka  Morroco, Tunisia, Qatar, Suudaan iyo Masar , isagoo kala hadley xoojinta xiriirka Wadamada Carabta iyo Soomaaliya, waxaana dhankooda ay sheegeen in Soomaaliya ay gacan ka siin doonaan dib u soo celinta dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, Aqoonta tababarada iyo sidoo kale in ay maalgashi ka sameystaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa shirka Wasiiradda Carabta ee Rabat laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen:–

1:  In Dowladaha ay aafeeyeen dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinka Dabiiciga iyo kuwa weeraradda argagixiso laga garabsiiyo

2: Fulinta barnaamijka ”Goal 11” kor u qaadista aqoonta Shaqaalaha Wasaarada, Naqshadeynta & Horumarinta Magaalooyinka

3: In Dowladaha Carabta si dhab ah u fuliyaan Ajanadaha Qorshaha  Deegaameynta Magaalooyinka Carabta guud ahaa

4:  In Dowladaha Carabta ay is dhaafsadaan Macluumaadka iyo Khibradaha  Dhismooyinka Iyo Deegaameynta

5: In Shirkaa soo Socda lagu Qabto UAE 2018, Maadama ay Dowladda Isug taga Imaaraadku ay iyadu sidaas codsatey.

Xigasho:-  Hussein Osman Ali

 

v1 v2 v3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment