2436 Views

Xaflad lagu Dooranayey Guddoomiyaha Haweenka Dumar ku jira Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho

Xaflad lagu Dooranayey Guddoomiyaha Haweenka Dumar ku jira Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 – Doorashadaan, ayaa waxaa ku tartamay Sagaal Gabdhood oo Aqalka Sare kamid ah, kuwaasi oo  u kala tartamayey  Guddoomiye, guddoomiye ku xiggeen koowaad iyo labaad iyo Xoghayaha Guddiga.

Xafladda, ayaa Waxaa kala soo qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Shacabka,  Wasiirka Haweenka, Ururada Bulshada rayidka ah, Gobolka Banaadir, Xubno ka socda Xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Fanaanada Hiba Nuura.

Waxaa ku guuleysatay Xilka Guddoomiyenimo  Shugri Aadan Maxamuud, iyo Zamzam Ibraahim Cali oo ku xiggeenka koowaad ku guuleysatay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Xaashi Cabdullaahi,  ayaa sheegay in Gabdhaha Soomaaliyeed Hormuud u yihiin Dalka, loona baahan in Dumarka Soomaaliyeed ay  isku doobnaadaan.

“Waxaan rabnaa in markasta Dumarka Soomaaliyeed ay mid noqdaan meelkasta oo ay joogaan, waxaa kale oo aan rabnaa in Dumarka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ay mid noqdaan,  taasna horumar lagu gaari karo” ayuu yiri Guddoomiye Abshir

Shugri Aadan Maxamuud oo ku guuleysatay Gudoomiyaha  Haweenka ee Golaha Aqalk Sare, ayaa tilmaantay in mideynta Gobdhaha Soomaaliyeed Door muhiim ah ka qaadan doonaan Nabadda iyo horumarka dalka.

Xubnihii kale oo ka qeyb galay Doorashada ayaa siweyn ugu dheeraaday kor u qaadista Hormarka Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment