2118 Views

40 Qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Afghanistan

40 Qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Afghanistan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 – Ugu yaraan 40 ruux, ayaa ku geeriyootay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qaraxyo lagu weeraray xarunta Dhaqanka Shiicada ee Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa BBC-da u sheegay qaraxyadan inay daba socdaan laba qarax kale oo aaga ka dhacay sida uu yiri.

Illaa hadda cidna ma aysan sheegan masuuliyadda qaraxyadan lagu weeraray xarunta Dhaqanka Shiicada ee dalka Afghanistan.

Sawiro lagu soo bandhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaayay maydadka dad badan oo qaraxa ku dhintay, kuwaasi oo is dulsaaran, halka qaar kale oo dhaawac ah la arkaayay.

Dad badan ayaa laga soo saaray dhismaha weerarka uu ka dhacay, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Kabul.

Xilliga weerarka uu dhacaayay xaruntan waxaa ku sugnaa arday iyo Warbaahinta oo wada hadlaayay,waxaana ay lahaayeen dood cilmiyeed diinta iyo dhaqanka la xiriirta.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment