2658 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, isagoo sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa rajo ka muujiyay sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray Bankiga Dhexe oo aan sidaa uga fogeyn xarunta Wasaaradda maaliyadda, waxaa uu la kulmay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, isagoo kala hadlay habsami u socodka howlaha mushaar bixinta.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment