2598 Views

Is Rasaaseen Geysatay Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta Maleeshiyaad Ku dhex martay Gaalkacyo

Is Rasaaseen Geysatay Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta Maleeshiyaad Ku dhex martay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2017 –Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Bartamaha Suuqa Gaalkacyo, Waxayna Wararku sheegayaan in 1-qof uu dhintay sidoo kalen uu dhaawacmay Ruux kale, waxayna labaduba katirsanaayeen Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee is shaqaaqadu dhexmartay.

Goobta ay maleeshiyaadkaani isku rasaaseeyeen ayee illo wareedyo sheegeen in ay tahay Goob lagu iibiyo Qaadka, waxayna dhacdaa Soohdinta kala qeybiyaha Waqooyiga iyo Koofurta Gaalkacyo oo ay kala kala Maamulaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada isku dhafka ah ee loo dhiibay amaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa ku baxay halka Shaqaaqadu ka dhacday, Balse waxay wararku sheegayaan kahor taagistooda Suuqa in Maleeshiyaadkii labada dhinac ay Goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ayaa bilaabay dabagalka Maleeshiyaadkii dagaalamay, waxayna baaritaano ka bilaabeen isla Suuqa Gaalkacyo si ay u helaan Xogta la xariirta waxyaabaha keenay iska hor imaadkooda iyo hadii la bar garanayo shaqsiyaadkii hubeysnaa.

 

Wali war kama Soo bixin Maamulada Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, sidoo kalane ma jirto war ay kasoo saareen saraakiisha Ciidamada isku dhafka ah ee loo dhiibay Sugidda amaniga Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa isku rasaaseeya Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Miyiga ah, Khasaaraha ugu badan waxa ay u geysataa dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha isku dhacyada ay ku dhexmaraan.

Labada Maamul ayaa dhankooda wada dadaalo ay ku doonayaan in Gaalkacyo laga bilaabo howlgalo hubka loogu uruurinayo Maleeshiyaadka, si ay u yaraato isku dhacyadooda, Wajiga 1-aad ee howshaan ayaa noqotay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo labada dhinac ka kooban, si ay amniga u sugaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment