2322 Views

Maamulka Degmada Buula-Burte Oo Ka Warbixiyay Qarax Ay Ku Dhintayn Ciidamada AMISOM.

Maamulka Degmada Buula-Burte Oo Ka Warbixiyay Qarax Ay Ku Dhintayn Ciidamada AMISOM.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2017 –Maamulka degmada Buula-burte ee gobalka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in hal Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dhintay kaddib markii miino ay haleeshay gaari ay lahaayeen ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmadaasi.

Maamulka ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay Bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaaladasi, wax yar ka hor intii aanu garoonka ka dagin, diyaarad ka duushay magaalada Baladweyne.

Cabdi Daahir Guure oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo kale oo Ciidamada AMISOM ka soo gaaray weerarkaasi, qaar ka mid ah Dhaawacyada ayaa la sheegay in ay ku jiraan kuwa ay xaaladooda Liidato.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaasi, waxayna sheegeyn in ay ku dilayn Ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment