3288 Views

Inkabadan 40-Askari oo loo xiray weerarkii lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Qeybdiid

Inkabadan 40-Askari oo loo xiray weerarkii lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Qeybdiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2017 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo  ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment