3138 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Amray In La Baaro Ciddii Ka Dambeysay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid

Madaxweyne Farmaajo Oo Amray In La Baaro Ciddii Ka Dambeysay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2017 – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod in baaritaan lagu sameeyo cidii ka dambeysay amarka lagu galay laguna baaray hoyga Senoter Cabdi Qeybdiid uu ka degan yahay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynaha ayaa Radio Dasan u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in cadaalada la horkeeno cida amartay Ciidamadii weeraray Guriga Sonetar-ka. Ciidamada Guriga galay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milteriga ah oo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.

farmaajo-Tweet

Sonater Cabdi Qeybdiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in ciidamadii weeraray Hoygiisa ay bur burin u geysteen agab yaalay isla markaana uu jiro dhaawac ay u geysteen dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment