4770 Views

Golaha Aqalka sare Oo Ogolaaday In Madaxweyne Farmaajo Uu Saxiixo Miisaaniyadda 2018-ka

Golaha Aqalka sare Oo Ogolaaday In Madaxweyne Farmaajo Uu Saxiixo Miisaaniyadda 2018-ka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 31, 2017 –Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kalfadhigii labaad kullankiisii 22-aad ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay labo qodob oo kala ahaa Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taas oo ay soo meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa Mudanayaasha siiyey Warbixin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha FJS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadlay arrintan.

“Waxaan la-kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu iga codsaday in uu Miisaniyadda Saxiiixo,marka waxaan idiin soo gudbinayaa Codsiga Madaxweynaha, Dalku waxaa uu u baahan yahay in uu Miisaaniyad helo waxaana hadleynaa Danta guud ee Dalka mana jirto Miisaaniyad aan hada ka hadleyno”.

Intaas kadib waxaa Mudanayaasha Aqalka Sare Cod gacan taag ah u qaadeen in uu Madaxweynaha Dowlada uu Saxiixo Miisaaniyada waxaana ogolaatay 26, waxaa ka aamusay 3 wax diidayna majiraan.

1 2 3

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment