2373 Views

Dalka Koofur Afrika oo sanadkii la soo dhaafay ee 2017 lagu diley 137 ruux oo Soomaali ah

Dalka Koofur Afrika oo sanadkii la soo dhaafay ee 2017 lagu diley 137 ruux oo Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL January 1, 2018–D,alka Koofur Afrika ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2017 waxaa lagu diley muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 137 ruux halka 74 kalana ay dhaawacyo soo gqqaareen.

Soomaalida lagu diley wadanka Koofur Afrika ayaa waxa ay badankood ahaayeen dhalinyaro ganacsato ah iyadoo dilalkan loogu geysey goobo ganacsi sida uu sheegay guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Koofur Afrika Cabdi Calas Guure.

53 ka mid ah muwaadiniinta Soomaalida ee la diley sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu diley magaalada Cape Town ayaa ah magaalada lagu diley Soomaalida, sidoo kale gobolka Gauteng ayaa lagu diley 42 halka gobolka Limpopo iyo Eastern lagu diley 36.

Dowlada Koofur Afrika ayaan sharciga horkeenin dadka ka dambeeya dilalka loo geysto Soomaalida ku nool wadankaas. Kumanaan Soomaali ah oo u badan dhalinyaro oo ka tegey dalkooda ayaa ku leh ganacsi kala duwan gobolada uu ka kooban yahay wadanka Koofur Afrika.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment