3906 Views

RW Kheyre oo caawa gurigiisa ku booqday Senator Cabdi Qeybdiid

RW Kheyre oo caawa gurigiisa ku booqday Senator Cabdi Qeybdiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| December 31,2017 – Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa booqday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay shalay ciidamo ka tirsan dowlada federalka xoog ku galeen baaritaanana ka sameeyeen.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Senator Cabdi Qeybdiid waxayna ka wadahadleen arrimo la xiriira gelitaankii ay ciidamo ka tirsan dowlada federalka ay galeen guriga Senatorka, xilli uu howlo shaqo ugu maqnaa xarunta Aqalka Sare.

Wararka waxa ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Kheyre uu kulanka uu la qaatay Senator Qeybdiid uu ku muujiyay dareenkiisa iyo sida uu ugaga xun yahay falka lagula kacay Senatorka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladu ka xuntahay falkan ayna u saartay guddi gaar ah lana bilaabay tallaabooyinkii sharciga lagu horkeeni lahaa cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiqeybdiid loona xirey askar.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Kheyre uu u sheegay Senatorka in uusan wax ka ogeyn weerarka lagu qaaday gurigiisa.

rw-khayre-guriga-abdi-qeybdiid-2

Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada ra’iisul wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tegey hoyga la weeraray ee Senator Qeybdiid ayaa ku soo beegantay saacado kadib markii ay gelinkii dambe ee maanta booqdeen guriga Qeybdiid qaar ka tirsan siyaasiyiinta Mucaaradka iyo xildhibaano.

Sidoo kale waxaa gelinkii dambe ee shalay booqasho ugu tegey Senator Qeybdiid soona arkay khasaaraha la gaarsiiyay guddomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi waxana uu guddoomiyuhu ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid laga xumaado oo aan la aqbali karin.

rw-khayre-guriga-abdi-qeybdiid-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment