2409 Views

Siyaasiyiin mucaaradka iyo Xildhibaano booqday Senotor Qeybdiid

Siyaasiyiin mucaaradka iyo Xildhibaano booqday Senotor Qeybdiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | december 31, 2017 –  Xildhibaano iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta booqday hoyga senator Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho oo ay shalay baaritaan ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada booqatay guriga Cabdi Xasan Cawaale ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay oo weliba aan la tixgelin xasaanada uu leeyahay.

“Waxaan galabta hoygiisa ku booqanay Senator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Gudoomiyaha Gudigga Dastuurka ee Labada Gole oo ay shalay si sharci daro ah ugu dhaceen hoygiisa ciidanka afduuban oo la mid kuwii dhowr habeen ka hor I soo weeraray.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii booqatay hoyga Cabdi Qeybdiid.

Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah hadda guddoomiyaha guddiga dastuurka labada gole ayaa hore u soo noqday taliyaha ciidamada Booliska Somaliyeed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo xilal kale ayaa ku tilmaamay weerarka loo geystey hoygiisa mid sharci darro ah waxaana ay ciidamada dowlada xabsiga u taxaabeen illaa 41 askari oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falka lagu weeraray hoyga Cabdi Xasan Cawaale.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment