3363 Views

Hay’ada Socdalka iyo Jinsiyadaha Oo xafiis Horleh Ka Furatay Beledxaawo

Hay’ada Socdalka iyo Jinsiyadaha Oo xafiis  Horleh Ka Furatay Beledxaawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL January 02. 2018–Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah Xarun uga furatay Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

 

Xafiiskaan ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland.

Maamulka degmada Beled Xaawo iyo shacabka degmadaas ayaa soo dhoweeyay furista xarunta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka maadaama markii hore ay caasimada dalka u soo doonan jireen baasaboorada.’

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa ay xarumo badan ka furatay gobolada dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale dalal badan oo caalamka laga furay xarumo laga heli karo baasaboorka Soomaaliga ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment