2433 Views

Qarax Goordhow Ka Dhacay Sh/Hoose

Qarax Goordhow Ka Dhacay Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL January 02. 2018–Mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada AMISOM ayaa saaka ay miino kula qaraxday iyagoo marayay meelu dhexeysa degmada Baraawo iyo Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

 

Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalka Sh/hoose iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas xoog leh oo dhacaysa.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen Miinada in ay haleeshay mid ka mid ah Gawaarida Gaashaaman ee ay wateen ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Shabaabka waxa ay sheegeen inuu burburay Gaarigii Qaraxa lala eegtay, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamii la socday gaariga.
Ciidamada AMISOM ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxan lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment